|
Himillada Ururka
Himilada
Himilada xafiiska beesha Somalida ee Haringey waxa weeye in aanu higsanno inay bulshada aanu u shaqayannaa noqota mid horumar ka gaadhay xaga dhaqaalaha, xagga waxbarashada guul ka gaarta, caafimaadkeedu sii wanaagsanaado, xifadaha ay shaqooyinka u leeyihiin kor u kacdo, siyaasadda cod xoog leh ku leh, dhaqan ahaan sharaf leh, dhexdooda iyo dadyowga kalaba ixtraam ka muujiya. Wax ka qabsada ,si sharaf iyo sumacad wanaagsan lehna u dega dalkan boqortooyada Ingriiska.
Ujeeddoouinka ururka
In baahida iyo faqriga laga yareeyo bulshada, gaar ahaan dadka Somalida ah ee deggan xaafadda Haringey iyo hareeraheeda. Ujeedadkan waxa lagu gaadhaya siinta talo iyo macluumd ku saabsan caafimaadka, guryaha, tababrada iyo lacagaha ay dowladdu siiso dadka u baahan taakulaynta
In kor loo qaado heerka waxbarasho ee dadka Somalida ah ee deggan xaafadda Haringey, iyadoo la siinayo dadku u baahan, tababarro ku saabsan barashada afka ingriisiga, wax qorniinka, iyo iyadoo baraarujin lagu samaynayo baahida waxbarasho ee somalida. Iyo siyaabaha kale ee tabaruca ah ee ay bulshaada Somalida ee Haringey ay hadba door biddo.
Mashaariicda iyo Adeegyada uu uruuka wado ama bixiyo
• Talo siin xagga lacagaha ay dowladdu bixiso
• Talo bixin ku saabsan xagga guryaha
• Mashuuc taageerada dadka
• Adeegga hagidda iyo taageerada dhalinyarada
• Barashada af somaliga iyo taageero xagga waxbarashada ah
• Dalxiiska Guga
• Dabaadegga ciidaha islaamka
• Fursado xirfad barasho
|