| Himilada Boggagan
Web site kani waa fikrad cusub oo ay isku dubbariday xafiiska beesha
Somalida ee Haringey (HSCCA). Marka laga eego dhinacyo badan oy
ka mid yihiin, dulucda farriinta uu sidaa, muuqaalkiisa iyo dadka
uu doonayo inuu u adeegaba, Web site kani kii ugu horreeyey ee noociisa
ah.
Ujeedada web site kani waa inuu noqoda meesha ugu horraysa ee wararka,
macluumaadka iyo taladaba loo soo raadsado. Wararka iyo macluumaadka
uu sidu web site kani waa kuwo si heer sare oo si sax ah loo soo
uruiryey ama dheegtay. Arrimaha uu ka hadalayona waa kuwo khuseeya
ama dan u ah ummadda somaliyeed iyo dadka kale ee la shaqeeya ama
doonaya inay wax ka ogaadaan arrimaha somalida. Waxa ka oy ka shaqaynaysaa
sidii is faham iyo isu soo dhawaasho looga dhex dhalin lahaa somalida
iyo dadyowga kale.
Web site kani waxa uu hiigsanayaa ama doonayaa inuu ku wargeliyo
bulshada somalida ah xuquuqdooda iyo inuu ka dhex dhaliyo war kala
qaadasho iyo is fahmid somalida iyo dadka adeegga u fidiya. Web
site kani waxa uu u hiigsanyaa inuu ku dhiiriyo somalidu inay waxa
ku darsadaan isku dubbaridka ama qorshaynta iyo hirgelinta mashaariicda
ama adeegga loo fidiyo Somalida.
Adeegyada Web-site kan aad ka heli kartid
Web site kani waxa aad ka helaysa warar ama macluumaad ku qoran
af somaliga iyo af ingriisi oo ka hadlaya dhinacyo fara badan, ayna
ka mid yihiin lacagaha ay dowladdu dadka dakhligooda ku kaabto (welfare
benefits), caafimaadka, shaqooyinka, waxbarashada iyo tababarada,
guryaha, socdaalka ama dal-gelista iyo macluumaad kale oo ka caawin
kara sidii ay Somalida dalkan Boqortooyada horumar uga gaari lahayd.
Waxa kale oo web site kan loogu talo galay inuu noqdo mee laga helo
warbixinaha ama daraasadaha laga sameeyey somalida iyomeel ay somalida
isku dhaafsato aaraada kuna kala war qaadato (resource centre and
discussion forum).
Web site kani waxa kale uu ku talo galay inuu noqdo mee maalin
iyo habeen ka warar wax tar u leh nolol maalmeedka somalida. Sida
xafiisyada lama xidho oo qofka war ama talo u baahdo waqtiga uu
doono ee isga u sahlan ayuu geli karaa kana qaadan karaa waxa uu
u baahan yahay.
|